What is stress, and how to recognize it?

Stress ku waa cadaadis xagga maskaxda ah. Stress ku wuu kala duwan yahay islamarkaana siyaabo kala duwan ayuu ku yimaadaa. Dadku sida stresska ay u qaabilaanna waa ay kala duwan tahay.

Stress ku waa qeyb ka mida nolosha banii aadam ka wuxuuna naga saacidaa isla markaana na siiyaa firfircooni marka xaalad adagi ay nala soo daristo tusaale.

Marka qofku rabo inuu waqti kooban ku sameeyo (qabto) howl iyo waaji baad badan ayaa jirku isku diyaari yaa in uu qabto shaqadaas muhiim ka ah isagoo jirku soo daayo dhacaamo (hormones) jirka kicinaya arrin taas oo keenaysa in qofka ku dhashaan noocyo stress ah si qof ka uga dabaasho una fuliyo arrinta iyo howsha culus ee soo food saartay.

Taasina waxay muhiim u tahay qofka si uu uga dabaasho nolosha isbed bedel keeda. Waana reaction ama falgal caadi ah oo u wanaagsan qofka. Matalan haddii ay xaalad adagi sida cabsi oo kale ay qofka soo wajahdo waxaa ziyaada (kordha ama bata) garaaca wadnaha cadaadis ka dhigga qofkana kor ayuu u kaca waxaana badanaaya arrintaana waxaa ka dhasha foojig naanta qofka si xaaladaas adag ama cabsi jir ahaan iyo maskax ahaan ba looga hortago (loo joojiyo).

Stress ka waa laba nooc:

  • Nooc fiican (positiv stress) iyo
  • Nooc xun (negative stress)

Stress ka fiican:

Haddii qofka waaji baadka shaqada uu damacno in uu si dhaqso leh isaga dhameystiro stresska ayaa ka caawinaaya inuu siiyo tamar iyo awood dheeraad ah oo u suuraa gelineysa in qofka si dhaqsa ah ku dhameystiro howlahiisa marka stress kaasi haddii uu qiyaas ku socdo jirka iyo maskaxduna si dheli tiran ay u wada shaqeynayaan markaa nooca stress kani waa kan caadiga ah oo la oran karo stress ka fiican (postive stress).

Stress ka xun. Haddiise qof ku uu xukumi waayo stress kaas oo miisaanka wada shaqeynta jirka iyo maskaxdu ay meesha ka baxdo waxaa imaanaya stress ka jirrooyin ka keena waana kan lagu magacaabo stress ka xun (negative stress).

Maxaa keena stress ka?

Stress ka waxaa keena qofka oo dusha iska saara ama cid kale ay dusha ka saarto wax uusan awood ahaan qaban karin ha ahaato xag dhaqaale ama xag shaqo haddii arrintaas waqti dheer ay socotana waxay wax u dhimeysaa caafimaad maskaxda iyo jirka qofka. Maxaa lagu gartaa sterss ka xun (negative stress)

Qofka uu ku dhaco cudurka stress ka xun waxaa calaamado iyo astaamo u ah oo lagu gartaa:

  • Hurdada oo ku yaraata qofka.
  • Concentration ka qofka oo hoos u dhaca.
  • Daal badan.
  • Farxadda oo qofka ku yaraata.
  • Xasuus yari.
  • Nasaho laáan xagga jirka iyo maskaxda xitaa hadduu qofku uusan waxba qaban.
  • Qofka oo jirka xannuun ka dareemo.
  • Mararka qaarna madax xannuun lagu arko.
  • Xanaaq badan.
  • Dulqaad laáan.

Sidee qofku ku yareyn karaa ama uga hortagi karaa stress ka xun:

  1. Haddii stress xun hayo qofka waxaa muhiim ah inuu isweydiiyo sababta keentay stress kaas kaddibna uu wax ka beddalo sababta keeneysa. Tusaale haddii ay tahay xagga dhaqaalaha waa in qofku isu miisaamaa dakhliga soo gala iyo kan ka baxa oo qofku gartaa inuu wax aanu hayn maskaxda isaga mash quulinin laakiin si macquul ah uu ugu dadaalo sidii duruufa haas uu uga bixi lahaaaa isagoo ALLAH wakiila naya.
  2. Haddii ay tahay sababta keenaysa stress ka xumi xagga shaqada waa in qofka uu qabtaa intii awooddiisa ah isagoo la tashanaya shaqo bixiyaha uu u shaqeeyo.
  3. Haddii stress ku ku yimid dhibaato xagga qoyska qofka ka heysata waa in xal loo helaa dhibaata daasi.
  4. In laga fogaado muqaada raadka sida qaadka sigaar ka iwm.
  5. Waxaa sidoo kale yareeyaa stess ka jirka oo la dhaqaajiyo sida jimicsiga, orodka socodka iwm.

Stress ku sabab ma u noqon karaa in qofka ay ku dhacaan cudurro kale? Cudurrada uu stress ku keeni karo waxaa ka mida:

  • Dhiig karka.
  • Sonkorawga.
  • Wadna xannuunka.
  • Cudurka buufiska.
  • Nabarada coloosha iyo mindhicirada cudurka gaaska.
  • Waalli iyo caafimaad darro kale.

Culeyska ama miisaanka qofka oo zaaid ah ma keeni karaa stress. Miisaan ka zaaid ka ah iyo Buurnida iyagaaba jirka ku ah stress Waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in qofka buurani uu ka stress badan yahay qofka miisaankiisu caadiga yahay.