Hurdo la’aanta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa (insomnia) waxaana ku jirta dhibaato kasta oo keenaysa hurdo la’aan hurdada oo aan lagu raagi karin ama waqti hore oo laga tooso hurdada subaxii ama ka hor subaxii. Arrimaha sababi kara hurdo la’aanta waxa ka mid ah:
Hadii Muqaalka Daawanayso Uu Kaa Istaago Refresh ↻ Garee Ama Muqaal Kale Ka Dooro Bottomada Hoose. Waxii Weydiimo ah Fadlan Kusoo Biir Telegram-ka .
Disclaimer: This Content is Provided and Hosted by Another Websites We are Not Responsible, For Any Legal Complaints Please Contact The Video/Audio Hosting Provider.
- Sabab la xiriirta cudur.
- Dareemid dareen murugo leh.
- Walaac iyo isku buuqid qofka heysata.
- Isticmaal ka caffeine ta ama wax yaabaha ay ku badan tahay.
- Isticmaal ka khamriga ama maan dooriya yaal ka qeybahiisa kala duwan.
- Isticmaal ka daawooyin ka qaar kood.
- Sigaar-cabidda badan.
- Qalad xagga dhaqan ka hurdada oo xun sida maalintii oo waqti gaaban loo seexdo.
- Seexa shada meel leh iftiin ama ay ka jiraan qaylo iyo buuq.
- Goor hore oo la seexdo sida ka hor xilliga maqrib kii.
- Waqti badan oo lagu soo jeedo sariirta korkeeda sida qofka oo sameynaya aqris badan ama daawanaya tv iyo wixii lamida.
- Qofka oo dareema dareen cabsi leh isagoona ka wel wel qaba dareen ka cabsida ee la soo darsay.
- Dadka qaar kiisa ee qaba stress ka nooca negative ka loo yaqaano ayaa iyaguna hurdo la’aan soo waajahi kartaa.
- Nooc yo kamida sixirka ayaa iyagana sababa hurdo la’aanta.
- Sidoo kale dhiig la’aanta ama (anemia) da ayaa iyadana sababta hurdo la’aan la soo darista qofka.
Haddaba haddii aad leedahay hurdo la’aan joogto ah isla markaana aysan kuu keeneynin asbaabaha fudud ee xagga dhaqan ka ah oo aad wax ka bedeli karto ama uu jiro cudur macluum ah oo kugu sababaya hurdo la’aanta, la xiriir dhaqtarkaaga.