Cudur-ka Samboorka and it's symptoms.

Cudurka sanboorka ayaa noqday beryahan mid aad u badan waxaana u sababa kororka cudurkaan ee bulshada dhexdeeda dhow arrimood waxaana ka mida isticmaalka wax yaabaha kiimikaal ka laga farsameeyo ee aan dabiiciga aheyn oo aad u kordhay iyo dadka intiisa badan gaar ahaan soomaalida oo ka hayaantey dhulkoodii hooyo isbedelkaa xagga hawada iyo jawiga ba waxey ka qeyb qaadan karaan kororka cudurka sanboorka.

  • Sanboorka calaamadihiisa waxaa ka mid ah -
  • Diif badan oo aan caadi aheen
  • Indhaha oo ku cuncuna
  • Cabur fara badan.
  • Hindhiso fara badan
  • Hargab kugu dhaca marka sanboorku ku qabto.
  • Xanuun xabadka mar mar
  • Xasaasiyad aad ka dareento neef mareenada.
  • Madax xanuun mar mar ah.
  • Indhaha oo ku guduuta

Waxaan oo dhan inta badan waxay yimaadaan xiliyo gaar ah ama haddii qofku uu la kulmo waxa uu jirkiisa diidayo. Sanboorku caafimaad ahaan macnihiisa waxaa weeye jirkaaga ayaa la kulmay wax uusan dooneen. Maadaama inta badan sanka laga neefsado, jirka waxuu kala kulmaa waxyaabo badan oo uusan jirku dooneen sanka. Marka diifka iyo waxyaabaha la midka ah waxaa keenaya jirka oo la dagaala maya waxii uusan jirka rabin.

Sidoo kale caburka iyo hindhisada iyo dhamaan xaaladaha uu keenayo sanboorka marka uu ku kaco qofka ayaa waxey ka dhigan tahay jirkaaga oo la dagaalamaya wax uusan rabin sida busta kiimiko aad u dhawaatey daawa aad cuntey ama cunno aad cuntayba haku jiraane. Sidoo kale waxaa jirta cuduro iyo asbaabo badan oo keenaya in qofka ku dhaco sanboor waxaana ka mida.

Isticmaalka mukhaadaraadka sida sigaarka qaadka iyo waxyaabaha kaa sii weyn ee dadka qaarkii isticmaalaan waxey sahli karaan in uu sanboor kugu dhaco si dhaqsa ah.

Sidoo kale waxyaabaha sababa in sanboor kugu dhaco waxaa kamida inaad ka shaqeyso meelaha kiimikooyinka yaalaan ama lagu farsameeyo sida warshadaha oo kale.

Cudurada keena sanboorka waxaa ugu weyn cudurka baabasiirka sidoo kale cudurada ku dhaca neef mareenka sida pneumonia yada burunkiitada tb da sanbabada ku dhacda iyo cudurka macaanka oo isaguna sababi kara xanuuno badan oo sanboorku ka mid yahay.

Sanboorka hadii aan la iska daaweyn wuxuu dhaxal siin karaa qofka qaba xasaasiyad ku weynaata gudaha sanbabada iyadoona wadiiqo sahasha u noqon karta iney kugu dhacdo neef. Ka hortagga cudurka sanboorka waa mid u baahan dadaal dheeri ah.

Iska ilaali wax yaabaha qatarta ku ah caafimaadkaada guud ahaan gaar ahaan wax yaabaha aan kor ku soo sheegnay.