Hemorrhoids Disease and It's Symptoms.

Cudurka baabasiirka waa cudur jira soona jiri jirey waqtiyo aad u fog. Cudurka baabasiirka waa cudur gur guurta isla markaana aheyn cudurka qabatinkiisa ama waxyeela diisa deg deg tahay laakiin waa cudur halis ah isla markaana qatar gelin kara hab nololeedka qofka qaba cudurkani.

Calaamadaha lagu garto cudurkani waxaa ka mida:

  • Daal fara badan: daal la dareemayo marka qofka ku dhex jiro shaqadiisa ama socodka iyo guud ahaan daal fara badan.
  • Caajis badan: caajis saameeya qofka inta badan noloshiisa gaar ahaan waqtiyada qofka hurdada ka toosayo.
  • Madax xanuun: madaxa oo ku xanuuna sida maskaxda oo kale mar mar ama si joogta ah ba.
  • Dareenka jinsiga oo hoos u dhac ku yimaado: ragga iyo dumarka ba waa ay saameysaa arrintani ragga ayaa se sii daran.
  • Muruq joogta ah ama mar mar ah. Muruq 2 da garbood kaaga taagan ilaa qoorta xabadka oo xanuun laga dareemo.
  • Xubnaha taranka ragga sida xiniinyaha iyo xubinka taranka oo yaraada ama 1 xiniin ama 2 da ba oo yaraada.
  • Miskaha iyo wareega dhabarka kilyaha oo xanuuna.
  • Gaas oo inta badan kula dersa ama aad dareento mararka qaarkood.
  • Hoos u dhac guud ahaan jirka ah adiga oo maleynaya in hoos laguu jiqayo.
  • Murqo xanuun: murqaha jirka oo ku xanuuna inta badan ama mar mar ah.
  • Calool fadhi: caloosha oo aan socod laheyn oo aadan suuliga tageynin inta badan calooshaada oo aan waxbo ka imaanin.
  • Hilmaan fara badan oo aadan lahaan jirin: adigoo si fudud wax kastaa ku hilmaamaya.
  • Wahsi badan.
  • Ragga oo iyagu durba biya baxa marka isku tagga ragga iyo dumarka.
  • Dulqaad yari.
  • Cun cun salka hoose.
  • Aragtida indhaha oo yaraata indhaha oo caad fuulo aakhirka na gaara ilaa heer indho fiiq.
  • Infection. Infection mar mar joogta ah sida dhanka kaadi mareenka.
  • Hamiga damaca jinsiga oo yaraada ama meeshaba ka baxa mararka qaarkood.
  • Dhalmo la aan. Dhalmada oo hakad ku yimaada ama la waayaba dumar iyo ragba.
  • Saxrada oo dhiig la socda mararka qaarkood dhiig yar oo saxarada dhinac ka heysta.

Marka yuu ku dhici karaa cudurkaan saameyntiisu badan tahay?

Qofkasta ayuu ku dhici karaa cudurkaan rag iyo dumar qof weyn iyo qof yar ba. Saameynta cudurkaan waxey qaadataa mudo dheer oo gaareysa sanado in uu fahmo qofka cudurkani marka laga reebo astaamo dhowr ah oo qofka ku fahmi karo si dhaqsa ah in cudurkani la dersay.

Cudurkaani ma sababi karaa cuduro kale?

Haa cudurkaani wuxuu sababi karaa cuduro badan waxaana ka mida:

  • Cudurka dhiig karka
  • Cudurada ku dhaca dheefshiidka.
  • Sanboorka
  • Gaas
  • Dhagax yada kilyaha ku sameysma
  • Dhiig la aan ama aneemiya.