Cabida Biyaha & Its Health Benefits.

Biyuhu waxay ka kooban yihiin boqolkiiba 50 ilaa 70 miisaanka jirka qofka qaan gaarka ah. Haddii aanu qofku cabin biyo waxaa soo koobnaaneysa waqtiga uu noolaan karo. Biyuhu waxay gacan ka geystaan kobaca jirka. Waxay sidoo kale gacan ka geystaan hababka wasakhda looga saaro jirka, xaddiga kuleyka ee jirka.

Biyuhu marka ay jirka ka baxaan, oo ay raacaan kaadida, saxarada iyo dhididka, waxaa qasab noqonaysa in biya haasi dib loo cusbooneysiiyo, qofka waxa uu markaas u baahanayaa in uu cabo sharaab, sida biyaha, shaaha iyo cabitaannada noocyada kala gedisan ah.

Halkee buu jirku biyaha ka helaa? Jirku waxaa uu biyaha ka helaa saddex ilood:

  • waa cabitaan ka caadiga ah sida biyaha iyo cabitaannada kale ( shaaha, qaxwada iyo wixii la mid ah)
  • Waxaa kale oo uu jirka ka helaa biyaha cunnada caadiga ah ee la cuno siiba qudaarta ( xitaa cunnada sida rootiga waxay leedahay qeyb yar oo dareere ah).

Inta badan dadka caafimaadka qaba ee qaan gaarka ah inta u dhaxeysa liitar iyo bar ilaa saddex liitar oo biyo ah ayey u baahan yihiin maalintii ba marka waa in qofku hiig sadaa inuu cabo ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah maalin kasta. Intaas waxaa u dheer qofku in sidoo kale uu cabo cabitaannada kale sida shaaha iyo sharaabka kale ee la sameeyo.

Dhibaatooyin ka caafimaad darro ee ka dhalan karta biyaha cabis tooda oo qofka uu ka gaabiyo aad iyo aad ayey u badan yihiin waxaana kamida.

  • tabar darro guud oo qofka ku timaado guud ahaan jirkiisa.
  • qofka oo ay la soo daristo dhibaato xagga dhaq dhaqaaqa caloosha qofka oo anan helin musqul.
  • qofka oo ay ku dhacaan cudurro kala dudwan oo ay ugu soo horeeyaan cudurrada ku dhaca kilyaha iyo kaadi mareen ka.

Sidoo kale biyaha oo aanan si fiican loo qaadan isla markaana dadkeena soomaaliyeed aysan u fahmin in biyuhu yihiin muhiimada koowaad ee nolosha qofka banii aadam ka isla markaana aysan jirin wax yaabo kale ee qofka u buuxin kara kaalin tooda halista caafimaad darro ee ku imaan karta qofka waa 100% marka waxaa haboon in dad keena soomaaliyeed marka hore ay fahmaan muhiimada ay leedahay cabista biyaha.

Jawaabta ayaa ah biyaha qofka la doonayo in uu cabo waa biyaha cad ee nadiifka ah isla markaana la sifeeyay (purified drinking water). Sidoo kale waxaa iyaguna aad u wanaagsan oo la cabi karaa biyaha caadiga ah oo la kar kariyay ujeedada ayaa waxa ay tahay in aan dadkeena u sifeyno in biyaha ugu fiican xagga caafimaad ku yihiin biyaha caadiga ah ee nadiif ka ah qofka waa uu cabi karaa juice yada shaaha maraqa khudrada na wuu cuni karaa laakiin dhamaan kuwaasi ma aha kuwo ku filan baahidaada caafimaad ee biyaha.

Haddaba si aad u hesho caafimaad si aad uga hortagto cudurro badan si aad uga bogsooto xanuuno iyo cudurro badan si aad u hesho awood dheeraad ah jirkaagana u noqdo mid xoogan waa inaad imika ba ku dhaqaaq daan adiga iyo ehel kaagaba isticmaal ka biyo nadiif oo badan tallaabadan waxa ay naga caawineysaa dhamaan inaan helno xal caafimaad ee bulsho kaas oo noqonaya mustaqbal ka mid dhaxal gal ka ah inshaa allaah.

Allah Waxuu Quraan-ka Ku Yirri "Waxaan Biyaha Ka Yeelney Nolasha"